Golaha Aqalka Sare oo kulan muhiim ah Muqdisho ku yeeshay

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 11aad ee Kalfadhiga 6aad, iyada oo uu shir Guddomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullaahi.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-badalka Xeerka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Furdooyinka.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Dhaqaalaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com