RW Rooble oo qeyb galay kulan lagu taageerayay hogaamintiisa ee hanaanka doorashooyinka iyo xasilinta Caasimadda

HomeWararka

RW Rooble oo qeyb galay kulan lagu taageerayay hogaamintiisa ee hanaanka doorashooyinka iyo xasilinta Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ay bulshada Degmada Dayniile ku soo dha

Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Koofur Afrika oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay Safiirka Cusub Soomaaliya ee dalkaas
Mareykanka oo sheegay in Al-shabaab loo fududeeyay weerarkii Lamu ee Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ay bulshada Degmada Dayniile ku soo dhaweynayeen, kuna taageerayeen hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka iyo xasilinta caasimadda, kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Deyniile.

Munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Deyniile ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, xubno ka socday labada Gole ee Baarlamaanka, maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageeraayaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Dadkii ka hadlay xafladda soo dhaweynta ah ayaa si wada jir ah u qiray doorka uu Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Xukuumaddiisu ay ku bixineyso sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku wada qanacsanyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0