RW khayre oo kula dardaarmay Saraakisha Ciidanka Booliska adkaynta Amniga dalka (Daawo)

HomeWararka

RW khayre oo kula dardaarmay Saraakisha Ciidanka Booliska adkaynta Amniga dalka (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay xarunta taliska Booliika Soomaaliyeed,

Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka oo u yeeray Ardaydii ku biirtay Ciidamada
Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada labada Aqal?
MAANHADAL: Khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Somaaliya & Kenya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay xarunta taliska Booliika Soomaaliyeed, ayaa kulan la qaatay taliyaha Booliiska, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo labada taliye ku-xigeen.

Kulanka ayaa looga hadaly dardar gelinta qorshaha sugidda amniga dalka iyo fududeynta dib-u-habeynta Booliiska, si loogu guuleyso tayeynta ciidamada booliiska oo qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan.

Taliyaha iyo taliye ku-xigeennada ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog ka siiyay howl galladii ugu dambeeyay ee booliisku amniga dalka ku sugayeen iyo guulahii laga gaaray, qorshaha ciidamo booliis ah lagu geynayo deegaannada argagaxisada laga xoreeyay, waxa ayna ballan qaadeen in ay fududeynayaan qorshaha dib-u-habeynta Booliiska iyo in ay laba jibbaarayaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan, si loo helo amni, xasilooni iyo kala dambeyn.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulan la qaatay qaban-qaabiyayaashii iyo howl-wadeennadii shirka madasha iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya ee shalay soo xirmay, waxaana kulana la isaga xog wareystay hannaankii uu shirku u qabsoomay, caqabadihii lasoo gudboonaaday iyo casharradii laga bartay ee looga faa’iideysna karo qabashada shirarka dambe.

Hoos ka daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: