RW Abiy oo Jabhadda OLA ku eedeeyay “in ay xasuuqday 300 ruux oo rayid ah

RW Abiy oo Jabhadda OLA ku eedeeyay “in ay xasuuqday 300 ruux oo rayid ah

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka falcelinayay Dad rayid ah oo xasuuq loogu geystay Galbeedka Ismaamulka Oromada waxa uu falkaas ku eedeeyay in ay ka dambeyeen Ciidanka Xorreynta Oromia ee (OLA).

Falkaas ayuu sheegay in uu dhacay kaddib markii koox baxsad ka ah Ciidamada ammaanka in ay sii dileen Dadkaan, taasina ay tahay wax laga xumaado oo loo baahan yahay in la helo mas’uuliyad lagula xisaabtamo dambiilayaashaas.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in beegsiga Shacabka uu yahay Dambi, ciidamada ayuu faray in ay gacan kusoo dhigaan kooxaha ka dambeeyay xasuuqaan oo lagu dilay Dad gaaraya 300 oo ruux oo dhammaantood rayid ah.

“Muwaadiniinta kunool Qellem Wollega ee Ismaamulka Oromada waxa loo geystay waa xasuuq, waxa aan cadaadis ku heynaa oo aan ku daba-joognaa kooxaha Argagixisada illaa aan ka ciribtirno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Itoobiya wixii ka dambeeyay November 2020 waxa ay gashay dagaal sokeeye oo ay isku beegsanayaan Qowmiyadaha Dalkaas, dagaalkaas oo hoos u daadagay ayaa sababay in xitaa jabhadaha iyo ciidanka federaalka ay beegsadaan Dadka ay isku qowmiyadda yihiin.

Qof kasoo badbaaday oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in aanay jirin gurmad u yimid isla markaana uu arkayay Dad lagu hor dilay, Isgaarsiinta deegaanka falkaan uu ka dhacay ayuu tilmaamay in ay saacado maqneed taasina ay adkeysay in xog dheeraad ah la helo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo culeys ka heystay Dagaalka Xukuumaddiisa ay la gashay Ismaamulka Tigray waxaa ugu darsamay xal u helista dagaallada Qowmiyadaha ee Ismaamullada dhistay sida Soomaalida, Canfarta, Amxaarada, Oromada & Tigray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com