Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah burcadda & ciyaal weerada

HomeWararka

Booliska Soomaaliya oo ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah burcadda & ciyaal weerada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa Shir looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho Maanta waxaa uu l

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay safiirka Mareykanka
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Mustafe Abiib (dhegayso)
Nabadoon Cabdiqafaar khatal: “Puntland xaq ayey u leedahay in ay heshiisyo la gasho dowladaha caalamka” (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa Shir looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho Maanta waxaa uu la yeeshay Saraakiisha Taliska Qaybta guud ee booliska Gobalka Banaadir .

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shirka kadib lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in looga hadlay shirka amniga guud ee Caasimadda iyo sida wax looga qaban lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegayin Dhalinyarada Ciyaal weerada ah ee mudooyinkii dambe dadka muqdisho dhibay ay isku badaleen Gaangis dadka dhaca , dhibaatooyin kala duwanna u gaysta .

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray Afhayeenka in ay bilaabi doonaan howlgallo kadhan ah Ciyaal weerada iyo kuwa dadka dhaca ,dilalkana gaysta, isaaga oo waalidiinta dhalay ciyaal weerada uga digay in ay ka reebtaan weerada iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan .

Afhayeenka ayaa sheegay in cidii lagu qabto iyada oo weero kujirta ama dadka shacabka ah dhibaataynaysa ay tilaabo adag ka qaadi doonaan, sidoo kalena ay beegsan doonaan Ciidamada dadka iibiya iyo kuwa Guryahooda lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in silamid ah ay tallaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka leh Moota Bajaajta ee ka ijaara dad ku dhibaataynaya dadka Shacabka ah hadii la soo qabto mootooyinkooda oo fal lagu fulinaayo.

Warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed aya kusoo aadaya xilli inta badan degmooyinka gobalka Banaadir maalmihii la soo dhaafay dadka kunool ay la ulmayeen dil iyo dhac joogta ah, sidoo kale ay u dheertahay Ciyaal weero habeen iyo Maalin dhib u geysta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0