Ruushka oo sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo magaalada muhiimka ah ee Kherson

Ruushka oo sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo magaalada muhiimka ah ee Kherson

Ciidamada Ruushka ayaa lagu amray inay isaga baxaan magaalada Kherson ee dalka Ukraine, taasoo ah caasimadda kaliya ee gobolka laga qabsaday Ukraine tan iyo markii uu billowday duulaanka bishii Febraayo.

Taliyaha Ruushka ee Ukraine Gen Sergei Surovikin, ayaa sheegay in hadda aysan suurtagal ahayn in ay gacanta kusii hayaan magaalada.

Ka bixitaanka ayaa ka dhigan in ciidamada Ruushka ay gabi ahaanba ka bixi doonaan gobolka ku yaal daanta galbeed ee wabiga Dnipro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com