Maamulka Koonfur Galbeed & ATMIS oo ka wada hadlay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

HomeWararka

Maamulka Koonfur Galbeed & ATMIS oo ka wada hadlay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Guddoomiyey Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Agaasi

Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso/daawo)
Prof Gaandi oo Faransiiska ku geeriyooday
XUSKA HABEENKII LADHEELMIYEY NNKH OO XALEY LAGU QABTEY DEGMADA BURTINLE EE GOBOLKA KAR-KAAR

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Guddoomiyey Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Saraakisha Laamaha Amniga qeybahooda kala duwan,kuwa ATMIS iyo Saraakiil ka socday Dowladda UK.

Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta Amniga,Wadaagida Xogaha Alshabaab ay ku dhibaateeyaan Shacabka iyo Udiyaar Garowga howlgallada A-Shabaab looga saarayo Guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Wasaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa warbixino ka dhageystay Saraakisha ciidamada xoogga dalka, kuwa Koonfur Galbeed & Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS , iyaga oo sheegay in xaaladda Amni ee degaannada Koonfur Galbeed ay tahay mid wanaagsan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa u faray dhammaan Saraakiisha ciidamada inay u diyaar garoobaan sidii howlgallo wadajir ah ugu qaadi lahaayeen degaannada ay Al-Shabaab ka joogaan Koonfur Galbeed si ay uga xureeyaan.

Shirka Amniga degaannada Koonfur Galbeed oo todobad walba la qabto ayaa looga hadlaa howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay degaannada Koonfur Galbeed iyo dardar gelinta howlaha sugida amniga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: