Rooble oo magacaabay guddiga amniga xafladda caleema-saarka madaxweynaha

HomeWararka

Rooble oo magacaabay guddiga amniga xafladda caleema-saarka madaxweynaha

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ka kooban t

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Waxgaradka Puntland oo ka tacsiaydeyeey geerida AUN Prof Cali Khaliif Galayr
Madaxweyne Farmaajo: Heshiiska Berbera Dawladdu waa ku Hawlantahay Helinta Xog Dhammaystiran (dhegayso)

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ka kooban toddoba xubnood oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiisha ciidamada, iyo agaasimaha NISA.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha, wasiirka Amniga Qaranka Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa noqonaya guddoomiya guddigan, waxaana xubno ka ah, wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamac) Wasiirka duulista Durraan Faarax, wasiirka caddaaladda Xasan Xaaji Xuseen, taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yususf Raage, taliyaha booliska General Cabdi Xasan Xijaar iyo agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay kasoo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: