HomeUncategorized

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo Ruushka weydiistey iskaashi dhanka ciidanka ah

Mosco - 20 - April - 2016 Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa booqasho aan la shaacin ku tegey dalka Ruushka, waxaana uu kulamo la leeyahay madaxda Ruushanka isaga oo kala hadley taageero dhanka ciidanka ah

Shirki wadatashiga Madaxda Soomaaliya oo Saaka laso Gaba-gabayn doono
Galkacyo oo lagu soo rogay bandow xilliga habeenkii iyo bileyska oo lagu adkeeyey in ay xiraan ciddii jabisa amarka dawladda. [Akhris …]
M/weynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay safiirrada Jaamacadda Carabta iyo Shiinaha ee ku sugan dalka Kenya

Mosco – 20 – April – 2016 Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa booqasho aan la shaacin ku tegey dalka Ruushka, waxaana uu kulamo la leeyahay madaxda Ruushanka isaga oo kala hadley taageero dhanka ciidanka ah

Warbaahinta Ruushka ayaa qortey in Raysalwasaaraha Soomaaliya Sharmaarke weydiistey dalka Ruushka in uu ka taageero dhanka qalabeynta ciidamada Soomaaliya oo dagaal kula jira ururka Argagixsada ah ee al-Shabaab.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa kulan gaar ah oo uu la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushanka Sergei Lavrov sheegay in ay Ruushka ka sugayaan in uu taageero hawlaha nabad ilaalinta, isla markaana ka qayb-qaato dib u dhiska ciidanka Soomaaliya, si loo soo celiyo sharciga iyo kala danbeyta, loogana hortago argagixisada. Sharmaarke ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Ruushka iska kaashadaan arrimaha dhaqaalaha.

Sida laga soo xiganayo warbaahinta Ruushka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee ee Ruushanka Lavrov ayaa sheegay in Ruushku diyaar u yihiin in ay ka fiirsadaan in ay Soomaaliya la sameeyaan wada shaqeyn dhanka ciidanka ah.

Lavrov ayaa sheegay in Sharmaarke Moscow u yimid inay Ruushka la sameeyaan iskaashi dhanka Milteriga ah, waxaa Lavrov sheegay in dalabka Rayusalwasaaraha Soomaaliya la waafajin doono danaha beesha caalamka iyo go’aamadii Golaha Amaanka Ruushkuna diyaar u yahay in ay ka fiirsadaan dalabkan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdirashadii Cali Sharmarke ahna aabaha Raysalwasaare Cumar ayaa ahaa hogaamiyihii aasaasay xiriirkii Sofiyeetka iyo Soomaaliya kaasi oo bilow u ahaa dhismihii Ciidamada Militariga Soomaaliya oo ay qeyb weyn ka qaadatay Dowladii Sofiyeetka, walow xiriirkaasi uu xumaaday xiligii Dowladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare duulaanka ku qaaday Itoobiya 1977, dagaalkaasi oo uu Sofiyeetka kasoo horjeeday ayaa lagu sheegaa kii burburiyey cududii militariga Soomaaliya.

Labada masuul ayaa horey ugu kulmey magaalada New York, waxaana ay ku balameen in mar labaad ay ku kulmaan Moscow. Ruushka ayaa dedaal dheer ugu jira soo celinta xiriirka uu lalahaa caalamka, tan iyo bur-burkii Sofiyeeytiga, waxaana ay ku soo beegmeysaa xili uu wax ka bedalay siyaasadiisa arrimaha dibadda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: