Dhagayso Toddoba qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Shalaambood

Shalanbood – 21 – April – 2016 – Toddoba qof oo isku qoys ahaa ayaa xalay lagu dilay meel lagu magacaabo Siinaay oo katirsan deegaanka Shalaambood ee gobolka Shabeellaha hoose. 6 ka mid ah ayaa carruur ahayd halka qofka 7aad-na ay ahayd ayaydood.Wararka ayaa intaas ku daraya in qoyska oo reer guuraa ah la weeraray goor habeennimo ah, hase yeeshee ay dilkaas ka badbaadeen dad kale oo katirsanaa qoyska, kuwaas oo cararay markii la weeraray.

Maamulka Shalaambood oo xaqijiyay dhacdadaas ayaa sheegay in dableydu ay gubtay  aqalkii qoyska ay weerartay.

Cabdullaahi Cismaan Haaraan oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa Radio Daljir uga waramay sida ay wax u dhaceen, wariye Xassan Haylkal ayuu khadka taleefanka ugu waramay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com