Ra’isal Wasaare Khayre oo balan qaad u sameeyey saxaafada Soomaaliya

Ra’isal Wasaare Khayre oo balan qaad u sameeyey saxaafada Soomaaliya

Masuuliyiin ka socda ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee aduunka ayaa magaalada Paris ee caasimada dalka France kula kulmay Raisal Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maalmahan booqasho ku jooga dalkaasi.

Masuuliyiinta RSF oo uu horkacayey xoghayaha guud ee RSF Christophe Deloire, ayna weheliyeen madaxa ururka u qaabilsan arimaha Africa mudane Arnaud Froger iyo Isabel Amossé oo qaabilsan waaxda u qareemida wariyayaasha ee ururka RSF ayaa Raisal wasaaraha ka codsaday in dawlada Soomaaliya ka shaqayso sidii Soomaaliya u noqon lahayd meel suxufiyiintu ku badbaadaan.

“Ra’isal Wasaare Khayre aad buu soo dhoweeyey talo bixinta RSF wuxuuna ogolaaday in wadankiisu noqdo meel ay ku nabad galaan suxufiyiinta.” ayaa lagu yiri war lagu daabacay barta Twitter ka ee ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee RSF.

Raisal Wasaare Khayre ayaa RSF u sheegay inuu aqbalay dhamaan talooyinkii ay usoo jeediyeen, RSF ayaa Soomaaliya u aqoonsan wadanka ugu halista badan ee suxufinimo lagaga shaqeeyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    KHAYRE WAXAAN DHIHI LAHA ISKA DHAAF AMAANKA SAXAAFIYIINTOO WAR ADIGA & MAAMULKAAGA HAKA NABAD GALAAN WARIYAYAASHU!!.
    LKN DFS XAQIIQDII WAY KA FIICAN TAHAY OO UGA DULQAAD BADAN TAHAY M/GOBOLEEDADA WAAYO?M/GOBOLADEEDU SAXAAFADA WAXAY ULA DHAQMAAN SI BINI AADANIMADA KA BAXSAN SIIBA SL & PL, LKN DFS WAY KU MAHADSAN YIHIIN. WAXAAD MOODAA WAXOOGAY DULQAAADA SAXAAFADA WAY KULA DHAQMAAN OO SIDA SL & PL MA XIRXIRAAN=(AWOODOODA KUMA TIJAABIYAAN SAXAAFADA).WAUYNA KU MAHSAN YIHIIN..
    DFS WAY KU AMAANAN TAHAY QAABKA DEBECSAN EE AY ULA DHAQANTO SAXAAFADA SOMALIDA EE DAAWAHA KU WADA!!!!…
    OK,SOMALIYA MAAHA MEEL SAXAAFADA KALIYA HALIS KU AH EE WAA MEEL GIDIGEEDBA HALIS AH!!!!!.HAA WAA SAX SOMALIYA WAA MEEL QATARBADAN LKN YAA KA DHIGAY??BAA JAWAAB U BAAHAN…WAXAA KA DHIGAY USA,UK iwm.LAMA WADA LAHA DANBIGA.
    SOMALIYA WAA GAROON AY GAME KU CIYAARAYAAN USA,UK,& INTA KABANKA U HAYSA!!!.
    ……….

    Fiiro Gaara:
    OGOOW WAX ARGAGAXISO LA DHAHO MA JIRAAN,LKN WAXAA JIRA KOOXO LAGU MAGACAABO ARGAGAXISO OO KA AMAR QAATA CIA,MI6,MOSSAD,ISI.iwm.KOOXAHAASOO AH KUWA AFKASOO DUUBTA.OGOOW WAA KOOXO LOOO SAMAYSTAY CEEBAYNTA DIINTA ISLAAMKA=(DIIN ARGAGAXISO) & IN DUNIDA ISLAAMKA LAGU BURBURIYO..
    ISLAAMKU MA AHA DIIN ARGAGAXISO EE WA DIIN IIMAAN,NABADEED,SACAADA,AMAL,WAANA FARIINTII U DANBEYSAY EE KA TIMAADA XAGA ILLAAHA DUNIDAN ISKA LEH EE ABUURTAY…
    NIN TIISII KA SHAKIYEY OO ISKA XOORAY BAA RABA IN DADKA ISLAAMKANA UUKU QASBO INAY ISKA XOORAAN DIINTOODA.!!!.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com