Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre oo booqasho ku tagay wasaaradda caafimaadka

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre oo booqasho ku tagay wasaaradda caafimaadka

-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer booqsho ah ku tagay Wasaaradda Caafimaadka, Waxaan xarunta Wadaaradda ku soo dhaw

Halkee ayuu ku dambeeyay xaalka kaluumaystadii Bosaaso ee horay looga raray suuqa Negfish (dhegayso)
Caasha Geelle Diiriye: “Somaliland way ogtahay reer Sool dad la leeyahay ma aha”
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Maxamed Lakiman (dhegayso)

-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer booqsho ah ku tagay Wasaaradda Caafimaadka, Waxaan xarunta Wadaaradda ku soo dhaweeyay Wasiir Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee wasaaradda iyo adeegyada caafimaad ee ay siiso shacabka, isagoona madaxda wasaarada ka dhagaystay warbixino ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso. Sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa boggaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna kula dardaarmay in ay balaariyaan howlahooda shaqo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay ahmiyada ay Wasaaradani u leedahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ka mid tahay Wasaaradaha loogu baahi qab badan yahay, mar-walbana ay muhiim tahay in lagu dadaalo sidii shacabka loo gaarsiin ahaa adeegyada caafimaad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: