Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre Iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Faransiiska (daawo)

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre Iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Faransiiska (daawo)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.
Daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • Mumin 4 years ago

    Cadaw gaaga ado garanaya lasaxiib.

  • NuurkaNederland 4 years ago

    SHIRKAASI SHIR SOMALI MACNO UGU FADHIYAA MA AHA LKN KHAYRE WAXAY UGA DHIGAN TAHAY DALXIIS & NAFIS..

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com