Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shaqada ka joojiyay Agaasimaha NISA

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Shaqada ka joojiyay Agaasimaha NISA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray warqad shaqada looga joojinayo Agaasimiha Hay’adda Nabad Sug

Kheyre oo ololihiisa doorashada ka bilaabay Nairobi
Iimaan-laawe, Aragti-laawe & Caleemo Qalalay Maxaa lala Sugaa?
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray warqad shaqada looga joojinayo Agaasimiha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in sababta tallaabadaas uu u qaaday ay tahay kadib markii warbixintii Hay’adda NISA ee kiiska Ikraan tahliil aysan noqon mid lagu qanci karo & in Taliyaha NISA uu ka madax adeegay amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in 48 Saac Gudahood uu warbixin ka keeno Kiiska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si Kumeel gaar ah xilka Agaasimaha NISA waxaa uu ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe, waxaana la faray dhamaan Hay’adaha ay kala dhaxeyso Shaqada Taliyaha NISA inay ka gacan siiyaan hoggaanka kumeel gaarka ah xilgudashadiisa.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada in baaris dhab ah ay ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena Fahad Yaasiin ayaa waxaa la faray in uu xilka ku wareejiyay Taliyaha Kumeel gaarka ah ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Akhriso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: