Kheyre oo ololihiisa doorashada ka bilaabay Nairobi

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ka qaatay xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku jira baarlamaanka dalka kenya.

Kheyre ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin”

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu Horay wadatashiyo dhaxal gal ah la yeeshay madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com