Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhism

Wacaal daray ah: Qarax kadhacay Afar irood Boosaaso iyo khasaare jirra
Madaxweynaha Puntland oo degmadda Waaciye lagu soo dhaweyeey (Sawiro)
Warka Fiidnimo, Cabdishakuur Sunni Gaagaab, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu ahmiyad weyn u leeyahay soo celinta kaabayaasha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Galmudug, isla markaan uu si deg deg ah ku bilaaban doonno mashruucan lagu dhisayo Garoonka.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Galmudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinkii la haray deegaanka ee dib u riday horumarkii la sameyn lahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee Galmudug in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska Garoonka Caasimadda Dhuusamareeb.”

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha Garoonka, isagoo sheegay in mashruucani uu yahay mid saldhiggiisu yahay sidii Caasimadda Galmudug ay u heli lahayd garoon diyaaradeed oo u qalma.

Munaasabadda Dhagax dhigga Garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: