Dowladda kenya oo war ka soo saartay Go’aankii Dowladda Somaaliya

Dowladda kenya oo war ka soo saartay Go’aankii Dowladda Somaaliya

Cyrus Oguna Afhayeenka dowladda Kenya , ayaa sheegay in Kenya ay guddi u saartay xallinta khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay.

Afhayeenka dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay “xiriir dhaw wadaageen sanadihii la soo dhaafay” ayna muhiim tahay in xirriirkaas la ilaaliyo.

“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah,” Ayuu yiri Oguna.

“Waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal ee wadaaga taariikhaha badan.” Ayuu ku daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Kenya ka dib markii ay ku eedeysay in ay faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dublomaasiyiinteeda Soomaaliya in uu si deg deg ah uga soo baxo dalka Kenya,iyada oo sidookalana dowladda Soomaaliya ay amartay in duplomaasiyiinta Kenya ay 7 cisho dalka uga baxaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com