Ra’iisul Wasaare Rooble: “Dalku waxa uu galay doorasho xor & xalaal ah”

Ra’iisul Wasaare Rooble: “Dalku waxa uu galay doorasho xor & xalaal ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka sheegay munaasabad halkaasi ka dhacday in uu tixgelin doona wixii dan u ah Soomaaliya ee kasoo baxa Shirka Machadka Heritage.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay qaadan doonto talooyinka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la is cafiyo oo horay loo socdo si loo hagaajiyo dowladnimada Soomaaliya

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in dalka uu galay doorasho xor iyo xalaal ah, in kastoo ay jiraan cabashooyin badan oo kasoo noqday doorashooyinkii la qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu Maanta soo xiro shirweynaha Shanaad ee aragti wadaaga Machadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com