Muxuu salka ku hayaa safarka Madaxweyne Laftagareen ee Kismaayo?

Muxuu salka ku hayaa safarka Madaxweyne Laftagareen ee Kismaayo?

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa maanta safarkii ugu horreeyoayay ku tagi doona Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira doorashooyinka socda, iyada oo dhawaan Maamulka Jubbaland uu bilaabayo doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com