Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u ambabaxay dalka Maraykanka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u ambabaxay dalka Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka.

Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Mareykanka joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qayba kale oo kamid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dardar-geliyo ajandaha qaran ee dub-u-habaynta hay’adaha dawladda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay xubnaha uu ka koobnaan doono wafdiga ra’iisul wasaaraha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com