Ra’iisul Wasaare khayre oo kulan la qaatay Wakiilllada Saaxiibbada caawiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare khayre oo kulan la qaatay Wakiilllada Saaxiibbada caawiya Soomaaliya

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay wakiillada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya, ayaa xog ka siisay socdaalkiisii Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dhanka loo jiheynayo horumarka dalka ee dowladda Soomaaliya ay dooneyso in lagala shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee Shababka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayaa wakiillada warbixin ka siiyay guulaha ay dowladdu ka gaartay dib-u-habeynta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la joogo xilligii Soomaaliya lagu caawin lahaa fursadaha maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo hir-gelinta kaabayaal dhaqaalaha, si loo yareeyo baahiyaha bini’aadninimo ee waqtiga fog.

Waxa uu intaa ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ay muhiim tahay in bulshada fursad loo siiyo in ay awood u yeelato wax soo saar dhaqaale, in dhallinyaradana shaqo abuur loo sameeeyo iyo maalgelinta la gaarsiiyo deegaannada ay ku noolyihiin bulshooyinka qaba baahiyada ugu daran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo biyo yaraan ay ka jiraan deegaannada Huurshe iyo Xeraale ee dhawaan lagu guuleystay in la demiyo colaaddii sannadada soo jiitameysay, baahiya kale oo bulsho ay ka jiraan deegaannada uu socdaalka kusoo maray ee Koonfur Galbeed, ayna lagama maarmaan tahay in hay’adaha caalamiga ah ay si dhaqsa ah uga jawaabaan baahiyahaas bulsho.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in magaalada Xudur uu kusoo arkay bulsho sannaddo badan go’doonsaneed hase yeeshee la timid isku-tiirsanaan ay ku badbaadeen, ammaankoodana ku sugteen, isaga oo intaa raaciyay in ciidanka ku sugan Xudur ay u diyaarasanyihiin in ay xoreeyaan Bakool oo dhan hadii ay helaan qalabka ay u baahanyihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 5 years ago

    PLOTICAL ANALYST.
    MA DHABB BAA IN BEESHA CAALAMKU SOMALIYA CAAWISO!!!?.
    *-.*-*.*-*.*-*.–.*-.*-.*-.*-.*-.*-.-…………..
    –.-..-..-.-..-.-…-………..
    BARYO UUN BAA KASOO HARTAY!!SHAME ON YOU.
    WAXAAN ISWEYDIIYAA BEESHA CAALAMKA WAXA LOOGU YEERO EE LADHAHO SOMALIYEY TAAGEERTAA,MA QABO INAY SAX TAHAY TAAGEERADAAS LASHEEGSHEEGO.
    OK.
    BEESHA CAALAMKU MUSHAHARAADKA MADAXDA SIDA BARLAMANKA,MADAXTOOYADDA,CIIDAMADA,WAXBAY KA BIXISAA WAA TEEGEERO SHAQSIYADEED WAANA QOF MUSHAHARKIIS,OO AY DANTOODU KA WEYN TAHAY.OK,
    MARKA ABAARAHA,BARAKACU DHACANA WAX BIXIYAAN OO HAY’ADO USOO DHIIBAAN,HAY’ADAHAASINA 0.5% BAY BIXIYAAN INTA KALANA JEEBKOODAY GASHAA & HABEEN DHAXOODA BAY KU BAXDAA,WAXAYNA HADHOOW DHAHAAN INTAASOO $BLYN,$MLYN BAANU UGU DEEQNAY ABAARAHAAS AMA BARAKACAS,OGOOW 0.5% BAA SOO GAARA SHACABKA SOMALIYED OK,NASIIB DARO KII USOO DHIIBAYNA WAABA OGYAHAY,
    MARKAA MABA ARKO WAX BEEL CAALAM LA DHAHO OO SHACABKA SOMALIYED EE DHIBAN CAAWIYA!!!.
    OK,SABABTA MADAXTOOYADA DHAQAALAHA LOOSIIYO WAA HAWL FUDUDEEYAYAAL.
    CIIDAMADANA LOOSIIYO WAA IN LAGU KAANTAROOLO CIIDAMADA SI AYSAN ALSHABAB UGA TAQALUSIN,DALKANA U NABDAYN.WAA IN LA MAAMULO CIIDAMADA TALIYAHA CIIDANKUNA WAA LAHAYSTE AAN KA TALAABSAN KARIN TALOOYINKA KUWA MUSHAHARKIISA BIXIYA..
    BARLAMANKANA WAXAA LAGA MARSADAA HESHIISYADA KHAYRAADKA SIDA:KII SOMA OIL & GAS EE TUUGADA AHAA.
    AMISOM $1.6MLYN BAA KU BAXA SANADKII OGOW SOMALIYAY KU XISAABAN TAHEE SOMALINA WAXBA UMA QABTAANE KUWA LACAGTA SIIYA BAY SHAQO UGA HAYAAN GUDAHA SOMALIYA,
    AMISOM & ALSHABABNA HAL MEEL BA DHAQAALAHA LAGA SIIYAA,WE  KNOWS.
    BEESHA CAALAMKA WAXALOGU YEERO $BLYNS BAA AMISOM KAGA BAXAY LKN MA RABTO HAL $BLYN IN LAGU DHISO CIIDAMO QARAN OO SOMALIYED LKN AMISOM INAY $BLYNS SIIYAAN WAY RABAAN??WAAYO?ISWEYDII UMA BAAHNA SHARAXAAD.
    CALAA AYI XAAL BEESHA CAALAMKA WAX ABAALA UGUMA HAYNO DHAQAALAHA KU BAXA AMISOM & HAY’ADAHA KU DUL NOOL SHACABKA SOMALIYEED EE KU SHAXAAD TAGA MAGACA SHACABKA SOMALIYED DABADEEDNA JEEBKA KU SHUBTA WIXII LOOGIU SOO DHIIBAY..LKN HAA HAL CEEL,HAL ISKOOL,HAL MCH HADAYBA DHISEEN WAA UGU HAYNAA ABAAL,WAABA HADAY DHISEENE.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com