Goorma ayaa la soo dhisayaa gudigii khilaafaadka doorashada Puntland 2019?

iyadoo lafilay 8 bisha janaayo ee sanadka 2019ka in ay qab soonto doorashada Madaxweynaha Puntland,  ayaa ilaa iyo haatan waxaan la dhisin Gudigii xalinta khilaafaadka doorashada Madaxweynaha iyo ansixinta Xildhibaanada cusub.

Wararka ay helayso idaacada Daljir ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas dhawaan uu soo magacaabi doono Gudigaasi ka hor inta uusan u amba bixin magaalada Gaalakcyo ,halkaas oo uu kula kulmi dooono bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dad badan ayaa qaban qaabo xoogan ugu jira kamid noqoshada Gudigan , balse Musharaxiinta u tar tamaysa doorashada Puntland ayaa walaac xoogan ka qaba gudigan iyo qaabka loo soo xuli doono.

Xubnaha gudiga ayaa ka koob naan doona ilaa iyo 7 xubnood  iyo xoghayaha guud ee gudiga.

Sanadkii 2014kii oo ku beegnayd waqtigan oo kale,ayaa Madaxweynaha haatan waqtigiisa uu sii dhamaanayo ee C/wali Gaas iyo Musharaxintii kale ee dhigiisa ahayd ay ku doodayay in la dhiso gudigan , maadaama xukuumadii ka horaysay ee uu hogaaminaayay C/raxmaan Farool uu ku guul daraystay in doorasho qof iyo cod ah oo gaarsiiyo .


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com