Ra’iisul Wasaare Abiy oo ka hadlay howlgaladii ugu dambeyeey ee Itoobiya ka dhacay

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Abiy oo ka hadlay howlgaladii ugu dambeyeey ee Itoobiya ka dhacay

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in howlgalka milateri ee ka socda Gobolka Tigray uu gaaray wajigii u dambeeyay. Abiy Ahm

Beeraleyda Puntland: Xaalka Beeraha iyo Qaylodhaanta Abuurka Sumaysan (dhegayso)
Abwaan Khadar Jilbo-Dhige iyo Gabay ka hadlay xaalada halganka SSC-khaatumo
Camay oo Maanta Booqday Deegaano ka Tirsan Gobolka Cayn

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in howlgalka milateri ee ka socda Gobolka Tigray uu gaaray wajigii u dambeeyay.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidamada Milateriga uu ku amray inay qaadaan howlgalkii u dambeeyay ee lagu soo afjarayo maleeshiyada Tigray.

“Waxaa dadaal u geli doonaa sidii aan u xaqiijin laheyd in magaalada Mekelle aanay burbur ugu dhici laheyn”ayuu yiri Abiy.

Waxaa dhamaatay mudada 72 saac ee Ra’iisul Wasaare Abiy u qabtay in Maamulka TPLF isku soo dhiibaan.

Milateriga Itoobiya ayaa hareereeyay caasimadda Mekelle, iyadoo taangiyaal iyo madaafiic lagu jeediyay, waxaana Taliyaha Milateriga uu ku hanjabay inay madaafiic ku garaaci doonaan, ayna shacabka isaga baxaan magaalada.

Diwaanka Wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: