Ra’iisul wasaaraha magacaaban oo maanta barlamaanka la horgeyn doono.

 

Muqdisho, Mar 01 2017-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta lagu waddaa in xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu horgeeyo ra’iisulwasaaraha uu dhawaan soo magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka codsan doona in ay Ansixiyaan Ra’iisulwasaaraha Magacaaban Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisulwasaaraha Magacaaban Xasan Cali kheyre ayaa hadii ay Ansixiyaan xildhibaanada Baarlamaanka maanta waxaa laga doonaaya in uu xukuumadiisa uu kusoo dhiso muddo dhan 15 maalmood.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com