Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Somaaliya oo maanta xilka la wareegay

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Somaaliya oo maanta xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu xilka kala wareegay Sii Hayihii Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed

BADHAN SANAAG: Gudoomiyihii Bulshada rayidka oo la weeraray (daawo)
Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo u Tacsiyeey Fiqi Bashir Cabdulle (dhegayso)
Qaxootiga Yemen ee Garoowe oo dibadbax dhigay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah waxaa uu xilka kala wareegay Sii Hayihii Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, kaddib Munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Ibrahim Muudey iyo Mas’uuliyiinta Sii hayeyaasha ah iyo xubno ka socday Safiirada Beesha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dukumiintiyo kala wareegay Mahdi Guuleed oo muddo 50 cisho xilka sii hayay, waxaana mudadaas Golihii Wasiirada xilka sii hayay ay ansixiyeen Sharciyo mugdi ku jiray oo degdeg loo meel mariyay.

Xil wareejintan ayaa meesha ka saartay dalabkii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ahaa inuu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, inkastoo aan dalabkaas laga aqbalin.

Hase ahaatee Garyaqaanada ayaa sheegaya in xil wareejintaas ay tahay mid sharci darro ah oo aan dastuuri aheyn, maadaama ay aheyd Ra’iisul Wasaarihii hore inuu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: