Ra’iisul Wasaaraha Australia oo La Ogaadey Inuu Leeyahay Dhalashada New Zealand

Ra’iisul Wasaaraha Australia oo La Ogaadey Inuu Leeyahay Dhalashada New Zealand

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Australia Barnaby Joyce ayaa waxaa soo wajahay fadeexad cusub ka dib markii la ogaaday inuu leeyahay dhalasho New Zealand ah.

Sida uu dhigayo dastuurka Australia, dadka labada dhalasho haysta ayaan loo ogolayn inay ka shaqeeyaan xafiisyada dadwaynaha.

Joyce ayaa sheegay inuu maxkamadda sare ee dalka waydiisan doono xallinta arrintan, ka dib markii uu helay talo qaanuun oo sheegaysa in uusan wax gef ah gaysanin.

Haddii shaqada laga joojiyo Joyse xukuumadda Ra’iisal wasaare Mancolm Turnbull ayay soo food saaraysaa halis ku aadan sii haynta awoodda.

Raisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in loo shaagay inuu haysto wax uu ku andacoon karo oo xoog badan, uuna sii hayn doono xilka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com