HomeUncategorized

Ra?iisal Wasaaraha oo kormeeray xeryaha ciidamada ee magaalada Muqdisho

Sabti, February 16, 2013----Ra?Iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta booqday qeybo ka mid ah saldhigyada ciidanka ee magaalada Muqdisho iyo Isbitaalkii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka soconayaan dayactir dib loogu dhisayo.

Dadka reer Baydhabo oo ka cabsi qaba dagaal kadib hanjabaado dhaxmaray maamulkii hore iyo Al-shabaab. [Akhris …]
Dhagayso Warbxin ku saabsan Banaan bax lagu soo dhawaynayo Ciidankii soo afjaray howlgalkii Danab oo Garowe dhacday
DHEGEYSO-Shaqaalaha dowladda Puntland oo la fasaxay iyo roob-doon loobaxayo.

Sabti, February 16, 2013—-Ra?Iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta booqday qeybo ka mid ah saldhigyada ciidanka ee magaalada Muqdisho iyo Isbitaalkii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka soconayaan dayactir dib loogu dhisayo.


Booqashadan ayaa Ra?iisal Wasaaraha waxaa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud X. Faqi iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, waxaana ugu horeyntii Ra?iisal Wasaaruhu u kuurgalay Isbitaalkii Ciidanka Xoogga kaas oo ay ka soconeyso dayactir dib loogu dhisayo qeybihii Isbitaalka.


Ra?iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Isbitalku uu muhiimad gaar ah u leeyahay askarta dowladda isla markaana lagula soconayo caafimaadkooda iyo daweyntooda, wuxuuna R/wasaaruhu ku soo wareegay qeybaha Isbitalka iyadoo ay soconeysay dhismaha qeybaha Isbitaalka.


Sidoo kale, Ra?iisal Wasaaraha ayaa booqday Xeradii Tababarka ee Jaalle Siyaad, waxaana halkaasi uu kula kulmay saraakiisha ciidamada iyo kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Wuxuuna sidoo kale, Ra?iisal Wasaaruhu tegay Wasaaradda Gaashaandhigga oo si weyn loo dayactiray asagoo soo kormeeray qeybaha Wasaaradda.


Ra?iisal Wasaaraha ayaa booqday Xeradii Guulwadeyaasha oo fariisin u ah ciidamada Dowladda, waxaana halkaasi ka soconayay dayactir ballaaran iyadoo halkaas ay warbixin ku siiyeen saraakiishii joogtay.


Ugu dambeyntiina, Ra?iisal Wasaaraha ayaa warbaahinta uga warbixiyay ujeedada kormeerkiisan, wuxuuna xusay inuu u kuurgalayay xaaladda goobaha ciidamada iyo dayactirka ka soconaya, isagoo sheegay in xarumahan la dejin doono dhamaamba ciidamada gudaha magaalada ku sugan, si loo sugo amniga magaalada.


?—Dhaamad—


Diiwaanka Wararka daljir
Muqdisho
(S)


Daawo Sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: