HomeUncategorized

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo Gaalkacyo soo gaaray

Gaalkacyo, Feb 16- Galabnimadii maanta oo sabti ah waxaa magaalada Gaalkacyo soo gaaray wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo baryihii danbe hawlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Maamulka Bakool Sare oo Madaxtooyo Cusub Dhagax Dhigay
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.
RW Cumar Cabdirashiid oo gelinki danbe Maanta Garoowe soo gaaray

Gaalkacyo, Feb 16- Galabnimadii maanta oo sabti ah waxaa magaalada Gaalkacyo soo gaaray wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo baryihii danbe hawlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.


Wasiirka oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf waxaa gagida ku sugnaa qaar ka mida ciidanka ammaanka ee dawladda Puntland, mana jirin cid ka tirsan saraakiisha dawladda ee gobolka ama degmada oo wasiirka soo dhawaysay, iyadoo la sheegayo inay masuuliyiinta qaarkood ay ku maqan yihiin magaalada Garoowe.


Col. Khaliif Ciise, wasiirka ammaanka Puntland oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa sheegay inay guulo ku soo dhamaadeen safarro uu ku tagay dalka Jabuuti iyo meelo kale, balse ma uusan faafaahin nuxurka shirarkii uu dibadda kaga soo qayb galay.


Diiwaanka Wararka daljir
Gaalkacyo
(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: