Radio Daljir oo Tababar degmadda Dhabbad ee gobalka Galgaduud ugu qabtay haweenka Galmudug (dhegayso | sawirro)

HomeWararka

Radio Daljir oo Tababar degmadda Dhabbad ee gobalka Galgaduud ugu qabtay haweenka Galmudug (dhegayso | sawirro)

Shalay oo Jimce ahayd Radio Daljir waxaa uu qabtay kulankii 6aad oo qayb ka ah tababarro xiriir oo muddo sannad ku dhaw Radio Daljir u waday haweenka

Waraysi Wararkii ugu Dambeeyey ee Roobka Nugaal iyo Mudug (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdinaasir jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo u yeertay safiirka Kenya ee Soomaaliya

Shalay oo Jimce ahayd Radio Daljir waxaa uu qabtay kulankii 6aad oo qayb ka ah tababarro xiriir oo muddo sannad ku dhaw Radio Daljir u waday haweenka degmooyin kala duwan oo gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Tababarkaasi shalay oo ku qabsoomay Dhabbad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaa ka qaybgalay haween ka kala socday ururada haweenka ee ka dhisan degmooyin Cadaado, Balanballe, Caabudwaaq iyo Dhabbad, kuwaasi oo doorkaani uu ahaa markii 6aad oo Radio Daljir isku keeno, una sameeyo tababarro la xiriira xuquuqda haweenka iyo suulinta xad-gudubyada ka dhanka ah isla haweenka.

Kulankaasi simanaar ee shalay uu qabtay Radio Daljir, ayaa ku saabsanaa dib-u-eegitaan la xiriira waxa ku qabsoomay, uguna hirgalay haweenka aqoon-korarsiyo xiriir ahaa oo Radio Daljir uu u qabtay sannadkii tagay ee 2019ka, kuwaasi oo ka kala dhacay magaalooyinka Cadaado, Ballanballe, iyo Caabudwaaq, kuna saabsanaa suulinta caado-dhaqameeddada dhaawaca ku ah haweenka, ayna ka mid yihiin kuurka khasabka ah ee gabdhaha, xoolo ku baddelashada gabdhaha, gudniinka halista badan, iyo arrimo kale.

Deeqo Maxamed Cartan waxay ka mid ahayd haweenkii tababarkii shalay ee Dhabbad ka qaybgalay, waxayna sidana uga hadlaysa tallaabooyinka haween ahaan ay qaadeen ee ahaa gaarsiisan bulshada aqoon-korarsiyadii horay loogu qabtay.

Hoos kaga bogo hadalka Deeqo.

Hoos ka daawo Sawiradda Tababarka.

 

 

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: