Taliska AMISOM oo maamulka Hiirshabeele ku wareejiyeey agab Ciidan

Taliska AMISOM oo maamulka Hiirshabeele ku wareejiyeey agab Ciidan

Taliyaha ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan ayaa kala wareegay agab ciidan taliyaha Booliska AMISOM degaanada Hirshabeelle.

Munaasabadda agabkaasi uu kula wareegaayay Taliska ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay taliyaha Booliska AMISOM ee deegaanada Hirshabeele.

Wuxuu sheegay in agabkan ay ugu talagaleen in ciidamada Booliska Hirshabeelle,waxayna ka kooban yihiin Budad,Qalmaan iyo Buugaag iyo waxyaabo kale oo muhiim ah howlaha Booliska.

Waxaana agabkan hadda ku howlgalaya saldhigyada Booliska degmooyinka Jowhar,Balcad,Warshiikh iyo Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelle Dhexe,kuwa kalena dhawaan ay soo gaarsiin doonaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa uga mahad celiyay AMISOM agabkan ay soo gaarsiiyeen,wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay howlaha Booliska ay meel wanaagsan marayaan,islamarkaana dufcadii seddexaad dhawaan tababar loo soo xiri doono.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com