QM oo war ka soo saartay xiisada Itoobiya

HomeWararka

QM oo war ka soo saartay xiisada Itoobiya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda ka taagan dalka Itoobiya laguna xalliyo qaab nabaeeed khila

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaaladda Carmo (Sawiro)
Koofurgalbeed oo Diyaarado ku Soo Daadgureeynaya Dadkii Sida qasabka ahayd looga soo barakiciyay Laascaanood (daawo)
GAALKACYO & AFKAARTA Dadweynaha go’aanki xalay ee ay soo sareen qaar kamid ah Issimadda Puntland

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda ka taagan dalka Itoobiya laguna xalliyo qaab nabaeeed khilaafaadka jira.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu aad uga waalacsanyahay isku dhacyada hubeysann ee ka jira gobalka Tigreega ee waqooyiga dalkaas, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo xalliyo dhibaatda taagan.

Sidoo kale, afhayeen u hadlay Qarmada Midoobey ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la qaado tillaabo deg deg ah si loo joojiy xiisada ka aloolsan dalka Itoobiya.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay Itoobiya ka taageerto hiigsigeed ah, wada noolaansho nabadeed iyo mustaqbal wanaagsan.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu shalay ku dhawaaqay howlgal military oo ka dhan ah Jabhadda maamusha is maamulka Tigraay oo lagu magacaabo Jabhadda Xoraynta dadka Tigreega.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: