QM oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay Koonfur Galbeed

HomeWararka

QM oo war ka soo saartay diyaarad ku burburtay Koonfur Galbeed

Diyaarad Nuuca xamuulka ah oo ay Qaramada Midoobay qandaraas la gashay ayaa maanta burburtay xilli ay ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Ceel-Barde,

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Hobyo oo uu ka furmay shirka beesha Habargidir (dhegayso | daawo)
laftagareen oo sheegay in kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabanayo Sh/Hoose

Diyaarad Nuuca xamuulka ah oo ay Qaramada Midoobay qandaraas la gashay ayaa maanta burburtay xilli ay ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Ceel-Barde, ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Diyaaradan ayaa markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku cararaan waxa ay ku socotay si ay u geyso sahay bini’aadantinimo oo ay ugu tala gashay hay’ada cunada aduunka in halkaas la gaarsiiyo. Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, hal qof ayaa ku dhintay, laba qofna waa ay ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday, iyadoo sidoo kale u rajaynaysa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay. Iyadoo laga jawaabayo shilkaas, Qaramada Midoobay waxay la kaashanaysaa shirkadda diyaaradaha qandaraaska lagu siiyay, iyo sidoo kale maamullada federaalka iyo kuwa Koonfur-galbeed, si loo sameeyo baaritaan dhab ah.

“Qaramada Midoobay waxa ay wali ka go’an tahay xaqiijinta badqabka shaqaalaheeda iyo la-hawlgalayaasheeda, waxa ayna qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago in shilal la mid ah ay mustaqbalka dhacaan.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Qaramada Midoobay ka soo baxay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: