QM oo kordhinaysa Tageerada Somaaliya

HomeWararka

QM oo kordhinaysa Tageerada Somaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay kordhineyso taageerada sahayda iyo lacagaha isugu jirta ee ay siiso Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya qey

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaqada ka eryay xubno ka mid ah Guddiga xalinta khilaafka doorashooyinka (daawo)
Madaxwaynaha Ukarain “Dowladaha Awoodda Leh way na daawanayaan”
Maxay ka wada hadleen caawa Guudlaawe & Kheyre oo kulmay?

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay kordhineyso taageerada sahayda iyo lacagaha isugu jirta ee ay siiso Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybahooda kala duwan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in Hay’adda ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya, si wax badan looga qabto la dagaallanka argagixisanimada.

War saxaafadeed ka soo baxay Mr. Gutters ayuu ku ammaanay Ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwii ka jawaabay weerarkii xoogag ka tirsanaa ururka Al-shabaab 23-kii bishan ay ku qaaadeen meel waxyar u jirta Madaxtooyada Soomaaliya.

“Waxaa inaga go’an kordhinta taageerada buuxda ee Ciidamada Soomaaliya, waxa ay ku jiraan Hardan adag oo ay kaga horjeedaan Argagixisada, oo dantooda ay tahay in ay daadiyaan dhiiga shacabka.” Ayuu yiri Antonio.

Madaxda Qaranka Soomaaliya ayuu sheegay mar walba in ay ku fakarayaan oo ay ku dadaalayaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan ururka Al-shabaab, si loo helo nabad iyo xasilooni.

Rag ka tirsanaa Shabaab ayaa weerar Rasaas ku bilowday oo watay laba qarax waxa ay la beegsadeen meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo Hotelka Dorbin oo ku yaalla Agagaarka Isgoyska Jubba, waxayna qaraxyadaasi dileen dad ka badan 20 qof oo isugu jira Rayid iyo Askar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: