QM oo ka walaacsan Nolasha dadka Kunool xeryaha Barakacayaasha Muqdisho

HomeWararka

QM oo ka walaacsan Nolasha dadka Kunool xeryaha Barakacayaasha Muqdisho

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Q.M. ee dhanka deegaanka iyo xiriirinta arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya, Peter De Clercq,

Golis oo adeegyo cusub ku soo bandhigtay Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda
Caasho Geele oo ka haddashay tacadiga haweenka loo geeysto (dhegayso)

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Q.M. ee dhanka deegaanka iyo xiriirinta arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya, Peter De Clercq, ayaa walaac ka muujiyey wararka sheegaya bur burin lagu hayo xarrun ay deggan yihiin barakacayaasha iyo adeegyada bani’aadannimo ee KM 13, degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegey inuu aad uga xun yahay in halkaas laga saaro barakacayaasha, iyadoo aan la siin war gelin muddo ku filan oo ay deegannadaasi uga guuri kareen.

Qaar ka mida barakacayaashaas ayuu sheegey in ay socod dheer u galeen sidii ay ku gaari lahaayeen qeyba badan oo dalka ah, iyagoo markoodii horena ka soo cararey abaaraha iyo colaadaha ka jira deegaannadooda.

Peter de Clercq, waxa uu sheegey in 23 deegaan oo hoy u aheyd in ka badan 4,000 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa.

Dadka ayuu sheegey inaan la siin muddo ku filan oo ay alaabooyinkooda uga qaataan goobihii ay degenaayeen ka hor intii aysan bur burin guryihii ay dadkaasi ku noolaayeen, waxana hadda bannaanka fadhiya caruur, dumar iyo dad waayeel ah oo xeryahaas ku noolaa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: