QM oo ka hadashay wixii qabsomay Sanadkii tagay 2017

HomeWararka

QM oo ka hadashay wixii qabsomay Sanadkii tagay 2017

Ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa tilmaamay inay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladduba u qa

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Burkina Faso oo dad shacab ah lagu laayay

Ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa tilmaamay inay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladduba u qabsoomeen wax wanaagsan Sanadkan dhammaanaya ee 2017-ka.

Qoraal kooban oo uu Michael Keating soo dhigay boggiisa Tweeter-ka ayuu ku sheegay in Sanadkan dabayaaqada ah ee 2017-ka uu Soomaaliya u ahaa mid wanaagsan, Sanadka 2018 kana uu rajeynayo in guulo wax ku ool ah ay bulshadu gaarto.

Wuxuuna intaa ku daray inay Qaramada Midoobay samayn doonto wax kasta oo ay ku gaari karto bulshadu natiijooyin la taaban karo, si loo hagaajiyo ammaanka loona abuuro fursado shaqo, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa kaalin mug leh kaga jira fursadaha shaqo ee ay helaan Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, wuxuuna Sanadkan cusub ee 2018-ka diiradda saari doonaa jiheynta Dhallinyarada si loo yareeyo ka faa’iideysiga kooxaha Argagixisada ah iyo ku dhiirrashada Tahriibta.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: