Dowladda Maraykan oo ka hadashay Weraaradii sanadkan dhamaadkiisa Somaaliya ka fuliyeen

Mareykanka ayaa war ka soo saaray gaari yar oo nooca raaxada ah oo habeenkii Khamiista aheyd lagu duqeeyay degaanka Xaawa Cabdi oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeyn ku dilay Afar ka tirsanaa xoogaga ururka Al-Shabaab, isla markaana uu burburiyay gaari ay walaxaha qarxa saaraayeen, oo raga la laayay ay la socdeen.

Gaarigaan oo sida la sheegay Carib ahaa, waxaa saarnaa dhawr qof wuxuuna waday qaraxyo sida ay sheegayaan dadka degaanka, balse diyaarad ayaa mar kaliya duqeyn la eegatay, kadibna halkaasi ayuu ku qarxay oo uu ku sii bur buray.

War ka soo baxay Taliska dhexe Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay si gaar ah uga dhacday meel 25-KM dhinaca galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warku waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka ay ka hor tageen gaari lagu dhibaateyn lahaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool Muqdisho, isaga oo sidoo kale sheegay in cid rayid ah aysan wax ku noqon.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 30 duqeyn cirka ah oo uu la beegsaday Al-Shabaab iyo koox yar oo sheegata inay yihiin garabka ISIS ee Soomaaliya, sanadkan oo kaliya.

Arbacadii Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday 24-kii bishan meel ku dhow magaalada Kismaayo ee Jubbaland ay ku dileen 13 ka tirsanaa ururka Al-Shabab.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com