Burkina Faso oo dad shacab ah lagu laayay

Burkina Faso oo dad shacab ah lagu laayay

Ugu yaraan 14 qof ayaa la dilay, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 100 qof, kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Kaniisad ku taalla Bariga wadanka Burkina Faso.

Xiliga weerarka uu ka dhacay Kaniisadda ayaa waxaa ka socday xus ay sameysanayeen dadka Diinta Masiixiga ah heysta ee ku nool Burkina Faso.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda geysatay weerarkaasi, balse dalka Burkina Faso waxaa mudooyinkan ku soo badanayey weerarada ay geysanayeen koox Mintidiin Islaamiyiin ah.

Madaxweynaha dalka Burkina Faso Roch Marc Christian Kabore ayaa cambaareeyey weerarkaasi, waxa uuna sheegay in talaabo adag ka qaadi doonaan cidda ka dambeysay weerarkaasi, caddaaladdana la hor keeni doono.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com