QM oo ka hadashay dagaalka ka socda dalka Itoobiya

HomeWararka

QM oo ka hadashay dagaalka ka socda dalka Itoobiya

Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda shacabka ku nool Tigray maadama aan la difaaceyn xilli uu socdo dagaalka u dhexeeeyo

Guddoomiye Degmo oo Yaxaas Guursadey (Sawirro)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Mareykanka oo oo $5Milyan duldhigay Jehad Serwan Mostafa oo Al-shabaab ka tirsan

Qaramada Midoobey waxay sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda shacabka ku nool Tigray maadama aan la difaaceyn xilli uu socdo dagaalka u dhexeeeyo dagaalyahanada Tigray iyo ciidamada federaalka.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadanimada ayaa sheegay in ha’yadaha gargaarka aysan geli karin Tigray si cunto iyo adeeg caafimaad loo gaarsiiyo shacabka ku go’doonsan gobolka xilli howlgallada ay horseedeen in uu meesha ka baxo xiriirkii isgaarsiinta.

Suudaan waxay sheegtay in dalkeeda ay soo gaareen ugu yaraan 11,000 oo kasoo qaxay gobolka Tigray, inkasta oo Qaramada Midoobey ka digtay in tirada dadka qaxaya ay sare u sii kici karto.

Xukuumadda deegaanka Tigreeda ayaa sheegtay in ay khasab tahay in shacabka gobolkaasi ay “iska difaacaan duulaanka” dowladda federaalka ee Itoobiya.

Waxaana lagu soo warramayaa in kumanaan qof ay labada dhinac dagaalka uga dhinteen.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: