Boqorka Baxrayn oo magacaabay Ra’iisal wasaare cusub

Boqorka Baxrayn oo magacaabay Ra’iisal wasaare cusub

Boqorka Baxrayn Xamad Bin Ciise ayaa magacaabay ra’iisal wasaare cusub kadib markii ra’iisal wasaarihii dalkaas Khaliifa bin Salmaan shalay ku dhintay dalka Maraykanka.

Salmaan bin Xamad bin Ciise oo ah dhaxal sugaha dalka ayaa loo magacaabay inuu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee Baxrayn

War murtiyeed kasoo baxay shalay boqortooyada Baxrayn ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaarihii geeriyooday lagu aasi doono dalka gudihiisa iyadoo ay kasoo qayb gali doonaan qoyska iyo qaraabadiisa oo kaliya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0