QM ayaa ka deyrinaysa in 213,000 Qof ay halis ugu jiraan inay geeriyoodaan Cunto yari iyo nafaqadarro ka jidha Somaaliya

QM ayaa ka deyrinaysa in 213,000 Qof ay halis ugu jiraan inay geeriyoodaan Cunto yari iyo nafaqadarro ka jidha Somaaliya

qCunto yarida iyo nafaqadarrada ka jirta Soomaaliya ayaa laga cabsi-qabaa inay horseeddo macaluul dalka ka dilaacda xilli markale uusan si wanaagan u di’in roobkii la filayay.

Dhanka kale waxaa cirka isku shareeray qiimaha la kala siisto raashinka halka dedaallada gargaarka bini’aadamnimo ay liitaan sababo la xiriira dhaqaale wanaagsan oo aanay helin hay’adaha gargaarka.

Arrintaas ayaa waxa ay sababtay in boqolkiiba 160% ay sare u kacaan dadka cunto yarida ku soo dhacaya, kuwa gaajoonaya iyo kuwa cudurrada ay ugu dhaceen gudaha Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay dib u dhaca ka jawaabida looga hortagayo macluusha ka jirta Soomaaliya, iyadoo in ka badan 200,000 oo qof ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macluul.

Qaramada Midoobay ayaa musiibo degdeg ah ku tilmaamtay xaaladda 213,000 qof oo ka mid ah dadka ay sida xun u saamaysay abaarta, kuwaas oo qeyb ah qiyaastii 7.1 milyan oo Soomaaliya ku nool.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com