Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan

Wasaaradda arrimaha diinta iyo Awqaafta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay kharashaadka sanadkaan laga qaadayo xujayda dooneyso in

Taliyihii hore ee Nabad sugida Soomaaliya oo iskuday dil ka badbaaday (daawo)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Wasaaradda arrimaha diinta iyo Awqaafta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay kharashaadka sanadkaan laga qaadayo xujayda dooneyso in ay soo gutaan waajibaadka xajka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu faahfaahiyay lacagaha laga rabo sanadkaan dadka rabo in ay Xajka aadaan.

Lacag gaareyso $5,230 dolar ayeey wasaaraddu sheegtay in laga qaadayo sanadkaan Xujyada dooneysa gudashada acmaasha xajka.

Kharashaadkaan ayaa loo kala qaybiyay in $3,250 dolar loogu talagay in ay leedahay boqortooyada sacuudiga, $1,500 dolar oo kamid ah lacagtana ay tahay tikidhada diyaaradda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dadka laga qaadayo lacag dhan $480 dolar, oo lagu sheegay in lagu qabanayo wax ay ugu yeereen kharashaadka kale, oo ay kamid yihiin caafimaadka.

Wadarta lacagta xujayda laga rabo ayaa ah $5,230 dolar, si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan 1443 hijriga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: