QAYBO KA MID AH DISMIHII CUSBAA EE GAROONKA CIYAARAHA BOSSASO OO BURBURAY.

QAYBO KA MID AH DISMIHII CUSBAA EE GAROONKA CIYAARAHA BOSSASO OO BURBURAY.

Dhismihii garoonka ciyaaraha ee magaalada Bossaso oo ahaa mid cusub oo hadda shaqadii dhisme socoto ayaa saaka burburay sifo xagga farsamad la xiriira sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku shaqada leh.

Qaybte dhisme ee duntay ee garoonka ayaa ah qabtii tarabuunka ee loo talagalay daawadayaasha, taasoo is raacday oo dhulka tagray masaafo illaa 10 tallaabo ah.

Dhismaha dumay oo aad kor ugu dheeraa ayaa waxyeeleeyey dhirtii waddada , xargihii korontada iyo baallayaashii ay ku taagnaayeen.

Dhaqaale aad u tiro badan ayaa ku baxaya dhismaha garoonkaan, balse filan waa ayay noqotay in uu burburo dhismahaasi cusub xilli hawsha garoonku ay socoto.

Waxyar ka hor intii uusan dumin garoonka kubadda cagta ee la dhisayo waxaa booqday madax dawldda, iyagoo qaarkood au sheegeen xilligaas dhismahaasi in uu ka mid yahay mashaariicda macnaha leh ee magaalada ka socda.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com