Map oo tababar Garoowe uga furtay 25 wariye

Map oo tababar Garoowe uga furtay 25 wariye

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa maanta 14 May, 2023 ka furay magaalada Garowe Tababarka badqabka Suxufiga iyo tebinta doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland oo muddo 5 maalmood ah u socon doona 25 wariye.

Agaasimaha Guud ee wasaradda Is gaarsiinta Tiknolajiyadda iyo warfaafinta puntland Maxamed Ciise Cismaan , Iyo Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa furay tababarkan, waxayna ku booriyaen ka qayb-galayaasha inay ka faa’ideystaan tababarka.

MAP iyo TPEC ayaa May, 2021 kala saxiixday Xeerka habdhaqanka Saxaafada ee goobaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com