Qaxooti Soomaali horleh oo gaaray Xeryaha Kenya

Qaxooti Soomaali horleh oo gaaray Xeryaha Kenya

Iyadoo abaaro ay ka jiraan gobolka Geeska Afrika, tobanaan kun oo Soomaali ah ayaa u gudbaya dalka Kenya si ay biyo iyo cunto u raadsadaan qoysaskooda, kuwaas oo ka cararay colaada kajira Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, in ka badan 80,000 oo Soomaali ah ayaa gaaray Kenya labadii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ka cararay colaado iyo abaaro isku dhafan.

Qoysaska Soomaaliyeed ee ka soo baxsanaya abaaraha ka jira gudaha dalka ayaa weli u sii gudbaaya xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo gobolka Geeska Afrika uu wajahayo abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah.

Dad badan oo markii horeba lagu qasbay inay ka qaxaan colaadaha ayaa haddana abaartu ka barakicisay, iyadoo afar xilli roobaadkii baaqday, iyadoo tan shanaad la saadaaliyay. Guud ahaan caalamka, dhacdooyinka cimiladu aad u daran ayaa sii xoogaysanaya waxayna noqonayaan kuwo soo noqnoqda xiisadda cimilada awgeed.

Ku dhawaad 1 milyan oo qof ayaa ku barokacay Soomaaliya, in ka badan 80,000 oo Soomaali ah ayaa sidoo kale tegay Kenya labadii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ka soo cararay colaado iyo abaaro isku dhafan.

Soomaaliya ayaa xilliaan wajaheysa abaar daran iyo saameyn ka dhalatay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, waxaana aad u yar gurmadka dadka uga imaanaya dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com