Qatar oo cambaareysay qaraxii Muqdisho

HomeWararka

Qatar oo cambaareysay qaraxii Muqdisho

Dowladda Qatar ayaa cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen

Markab xoolo waday oo loo diiday dekedda Bosaso oo ku xirtay Mareero
Muuqaalka Bulshada: Arragtida Shacabka Puntland iyo nooca Xildhibaanada ee ay u bahantahay Puntland 2019 ( dhegayso)
Siyaasi Daahir Geele oo Arrimaha doorashooyinka ka hadlay

Dowladda Qatar ayaa cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen siddeed qof, halka sagaal kalena ay ku dhawacmeen.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu sheegay in ‘dowladda ay cambaareyn xooggan u jeedisay weerarkii ka dhacay bar koontoroo oo ku taal degmada Xamar Jajab, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac’.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Qatar ay ku celisay diidmadeeda rabshadaha iyo aragagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa dhinaca kale tacsi uga dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaan, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.

Siddeeda qof ee qaraxan ku dhintay waxaa ka mid aheyd Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen gawaari ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: