Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay

Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS wazaa Maanta lagula beegsaday Isgoyska Cali Kamiin degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in qaraxa uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo Ciidamada iyo dad Shacab ah kasoo gaaray qaraxa.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa Ciidamada ATMIS waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan weli la xaqiijin khasaaraha kasoo gaaray dadka Shacabka ah, waxaana muddo saacado ah ay Ciidamada ATMIS hakad geliyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Isgoyska Cali Kamiin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mudfo 30 daqiiqo ah kadib Ciidamada ATMIS ay sii wateen socdaalkooda, isla markaana xaaladda Isgoyska Cali Kamiin iyo Goobaha ku dhow dhow ay tahay mid wanaagsan.

Dhowr jeer ayaa qaraxyo Miino oo Magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxaa rasaas ay fureen Ciidamada ay khasaaro kasoo gaartay dad Shacab ah oo marayay Goobta uu qaraxa ka dhacay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com