Madaxweyne Axmed Qoorqoor Oo Warbixin Iyo Xogo Amni Ka Dhageystay Saraakiil Ciidan

Madaxweyne Axmed Qoorqoor Oo Warbixin Iyo Xogo Amni Ka Dhageystay Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee dowlad Goboleedka Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo lagu lafa gurayay amniga deegaanada Galmudug ayaa daba socda safar dhawaan uu Madaxweynaha Galmudug ku tagay deegaanada furimaha ah iyo goobihii lagula dagaalamay Al-shabaab , kuwaas oo uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye kula soo kulmay shacabka iyo maamulka deegaanadaas.

Shirkan looga hadlayay amniga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlada amniga ahna kusimaha wasiirka amniga, labada gudoomiye ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud, saraakiisha ciidamada ATMIS, saraakiisha ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Galmudug iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dar dar galin lahaa sarana loogu qaadi lahaa amniga deegaanada iyo degmooyinka Galmudug, iyadoo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu warbixino iyo xogo amni ka dhageestay saraakiisha kala duwan ee ka soo qeyb galay shirka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku boggaadiyey saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka, sida ay uga hortagaan falalka ka dhanka ah aminiga, sidoo kalana waxuu ku booriyay ciidamada xoojinta

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0