HomeUncategorized

Qarax lagu Dili rabay wasiirka ka tirsan Jubbaland oo la Fashiliyay

Bosaaso, Febru, 18, 2016 -(Daljir)_ Waxaa dib usoo laabtay Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ka dib goorsii horaysay oo la jaray Anteenada Magaalada, Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa Maanta si aad u baarayay Gadiidka isticmaalo Laamiga dheer ee Magaalada.

Baarlamaanka Puntland oo dood ka yeeshay lifaaqa xuliska Baarlamaanka ( Dhegayso)
Dhagayso Caawa iyo Daljir Sabti 09 April 2016 Wariye C/naasir Maxamed Cali (Studio Daljir Gaalkacyo)
Bosaaso, Febru, 18, 2016 -(Daljir)_ Waxaa dib usoo laabtay Isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ka dib goorsii horaysay oo la jaray Anteenada Magaalada, Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa Maanta si aad u baarayay Gadiidka isticmaalo Laamiga dheer ee Magaalada.
 
Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa iminka Wado howlgalo lagu xaqiijinay Amaanka Magaalada,Gelinkii danbe ee arbacadii Shalay ayey ahayd markii la fashiliyey qarax lagu xiray gaarigii khaaska ah ee Wasiirka Arimaha Bulshada ee Jubbaland Mud. Maxamed Ibraahim Maxamed.
 
Sidoo kale waxaa jiray Qarax Habeen hore lala eegtay Ciidamada Amaanka Jubbaland oo Xiliyada Habeenkii Roondo kasameeyo Gudaha Magaalada Kismaayo.
 
Isla isbuucaan dhexdiisa waxaa qarax  lala eektay Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM kuwaas oo marayey xaafada fiya afmadow. maalintii ka horeysayna waxaa qarax dhulka lagu aasay lagu qaxiyey mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada Jubbaland, Inkastoo aysan cidina wax ku noqon.
 
Magaalada Kismaayo ayaa isbuucaan dhexdiisa gashay qalqal dhanka Amaanka ah, balse Ciidamada Jubbaland ayaa ahaa kuwa inta badan aad u xaqiijiyay Amaanka Magaalada Kismaayo

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: