Qarax khaasare gaystay oo kadhacay Shabeelada hoose

HomeWararka

Qarax khaasare gaystay oo kadhacay Shabeelada hoose

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay, laba kalena waa ay dhaawacmeen qarax kadhacay deegaan u dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose.

Burtinle: Shir Nadaafadda iyo Shuban-biyoodka (dhegayso)
Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabada dhaarinta guddiga la dagaalanka Musuqa
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay, laba kalena waa ay dhaawacmeen qarax kadhacay deegaan u dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose.

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa lasocday gaari xamuul ah oo waday calafka xoolaha ay quutaan uu kasoo qaaday magaalada Baraawe, waxaana la qaraxday miino dhulka lagu aasay.

Ciidamada AMISOM ayaa qaaday dadka dhaawacyada soo gaaray oo geeyey isbitaalkooda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan dhulka geliya miinooyin ay doonayaan inay la beegsadaan ciidamada AMISOM iyo dowladda kuwaasi oo dadka shacabka ay wax yeello kasoo gaarto.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: