HomeUncategorized

Qarax kadhacey xerada qaxootiga Ifo iyo dad xalay lagu laayay Gaarisa.

Nairobi,Dec,20 -Waxaa ka dhacey xerada qaxootiga Ifo ee dalka Kenya qarax si aada ay u maqleen dhamaan dadka ku nool xerada qaxootiga ee Ifo,waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxa lala damacsanaa ciidanka bilayska dawladda Kenya oo goobta inta uusan qaraxu dhicin wax yar kahor ka gudbay.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Jamaal Farax Aadan.
Ciidamada kenya oo si rasmi ah ugu biiraya Amisom asbuuca soo socda
Madaxweyne Gaas oo ka Digay Colaadaha Deegaanka Qoriley

Nairobi,Dec,20 -Waxaa ka dhacey xerada qaxootiga Ifo ee dalka Kenya qarax si aad ah ay u maqleen dhamaan dadka ku nool xerada qaxootiga ee Ifo,waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxa lala damacsanaa ciidanka bilayska dawladda Kenya oo goobta inta uusan qaraxu dhicin wax yar kahor ka gudbay.

Lama sheegin wax dhaawac iyo dhimasho isugu jira oo uu gaystay qaraxu,waxaana ilaa hada socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka dawladda Kenya ee ku sugan xerada qaxootiga Ifo oo dhacda Waqooyi Barri dalka Kenya.

Laamaha amaanka ee dalka Kenya oo xiriir aan la samaynay ayaa waxa ay sheegeen in aysan wax saamayna ah kasoo gaarin ciidanka Kenya oo ka dhawaa goobta qaraxu ka dhacey,ayna ciidanku xerada si nabad ah uga gudbeen,ayagoo wax dhibaato ah aysan kasoo gaarin.

Isniintii shalay ayaa qarax kale asna waxaa uu ka dhacey xerada kale ee qaxootiga Xagardheer oo kamid xerooyinka qaxootiga dalka Kenya.

Waxaa la sheegayaa inay tani saamayn ku yeelan karto dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha qaxootiga dalka Kenya,inkastoo ilaa hadda dawladda Kenya aysan sirasmi ah uga hadlin cida ay ku tuhmayso qaraxyada iyo dilalkii ugu dambeeyay.

Waxaa jira cabsi laga qabo in hakad uu galo howlaha gargaarka xeryaha qaxootiga Dhadhaab ,ayna hay’adaha gargaarku hakiyaan shaqooyinkooda,inkasksta oo shaqooyinka hay’aduhu ay ahaayeen waayihii ugu dambeeyay kuwo shaki huwan oo aad cabsi uga muujinayeen shaqada ay ka hayaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab Kenya.

Bashiir Ahmed Abdi.
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: